Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Anigoo soo xajin waalidkay ma ka xajin karaa?

Jawaabta

Maya kama xajin kartid , nabiga Scw nin ayuu arkay talbiyaysanaya oo xaj ku jira oo leh:

 لبَّيْكَ عن شُبْرُمَةَ 

Allow waxan ka xajinayaa nin Shubramah la yiraahdo , markaasu nabigu scw yiri naftaada ma ka xajisay? Naftaada ka xaji kadibna shubramah ka xaji.

Ruuxu waa inuu marka hore naftiisa ka xajiyaa ,markaas kadib ayuu qof kale ka xajin karaa. Waxaa ka duwan sidaas , haddaadan adigu xajka aadayn ee aad kharashka bixinayso , hadduu ruux kale ka soo xajinayo laakiin aad kharashka bixinayso way banaantahay, adigoo xajkaagii gudan inaad waalidkaa xajkiisa kharashka ka bixiso oo qof kale ka xajiyo waa banaantahay. Inaad adigu soo aaddo xajka oo adigoo naftaada ka xajin aad asaga ka xajisid ayaa la diidanyahay.

Tixraac :

8:15)

Fatwa logo