Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Sida loo xirto xajka iyo cumrada?
Jawaabta
Waxaan doonayaa in wax la iiga sheego sida loo xirto xajka iyo cumrada?
Kolley waxaad u baahan tahay inaad culimo raacdo si aadan u qaldin. Saddex siyaabood ayaa loo xirtaa xajka iyo cumrada:
Mar waxaa la wada xirtaa xajka iyo cumrada, waxaana la yiraahdaa (ٱلْقِرَانُ).
Marna xajka kaliya ayaa la xirtaa, waxaana la yiraahdaa (الإفراد).
Marna cumrada ayaa la hor mariyaa, xajkana maalinta 8-aad ayaa la xirtaa.
Marka saddexdaas siyaabood, laba jeer waxaa kugu waajibaya inaad neef qasho:
Marka aad xajka iyo cumrada isku darsato (ٱلْقِرَانُ),
Ama marka aad cumrada hor mariso (التمتع’).
Hal marna kuguma waajibayo neef, waana marka aad xajka kaligiis dhamaysato (الإفراد). Haddii aad doonto, cumrada waqti dambe aad la imaatide.
Tixraac:


