Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Bangi ribo ka shaqeeya hadduu dalka farac islaami ah ka furto ma lala macaamili karaa?

Jawaabta

Bangi Ribo ku shaqeeya markuu dibadda joogo, balse markuu dalka joogo shareecada ku shaqeeya sida muraabaxada, ma lala macaamili karaa mise shubho ayaa ku jirta?

Ribadu waynu ogsoonahay oo waa xaaraan. Marka Bangiyada Ribada ku shaqeeya lama macaamili karo. Baanku haddii uu nidaam Islaami ah ku shaqeynayo waa inuu saafi ahaado oo Ribadu aysan ku dhex jirin. Haddii Islaamigii iyo ribawagii isku daro wuu fasahaadayaa. Iyagoo lacag doon ah ayay gaaladu hadda sameeyeen wax la yiraahdo “daaqad Islaami ah”, iyagoo bangigu Ribo yahay.

Waxay la mid tahay nin tukanaya oo suuliga xarig ku jira lugta ku xirtay oo nijaasaysan. Baankaan u jeeddo ma fahmayo, laakiin bangi Ribo ku shaqeynaya la lama macaamili karo, Islaami-na ma aha kol haddii Ribo dhinac ka soo gasho.

Tixraac:

Fatwa logo