Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Dukaan lagu iibiyo sigaar iyo bagaash aan kala soocnayn ma laga shaqayn karaa?

Jawaabta

Sigaarku iibkiisa iyo cabiddiisuba waa xaaraan. Gaal iyo Islaamba way isku waafaqsan yihiin arrintaas. Xitaa gaalada ayaa ka digaysa, culimada Muslimiintuna sidaas ayay isku waafaqeen.

Suntaas dadka loo soo waarido oo laga iibiyo waa xaaraan; kan iibinaya iyo kan cabaya labaduba way ka xaaraan tahay.

Xalkiisu waa in qofku xoolahaas qaato oo ummadda dib ugu celiyo, danaha guudna ku bixiyo. Culimada qaarna waxay yiraahdeen: marka laga takhalusayo wixii xaaraan ah, masaakiinta baqtinaysa waa la siin karaa.

Tixraac:

Fatwa logo