Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Mushaarka goormuu Sako gaaraa?

Jawaabta

 Qofka mushaarkiisu gaaro sako sidee loo sakaynayaa?

Qofka haddii mushaarka uu qaato dhowr kun yahay, waa mas’alo la isku khilaafay halka ay ka bilaabanayso lacagta Nisaabkeedu. Lacagta maanta la haysto ma aha tii waqtigii Nabiga ﷺ jirtay oo ahayd dahab iyo qalin. Tan maanta la haysto waa waraaqo.

Marka waraaqahan ma lacagta silver-ka ayaa lagu qiimaynayaa mise dahabka? Farqi weyn ayaa u dhexeeya. Haddii lagu qiimeeyo lacagta silver-ka, nisaabka sakadu wuxuu noqonayaa qiyaastii 550 ilaa 600 dollar. Haddii dahab lagu qiimeeyo, waxaa laga yaabaa inuu gaaro qiyaastii 4 kun oo dollar.

Sidaas darteed, waxa masaakiinta u roon oo habboon waa in lacagta waraaqaha ah lagu qiimeeyo qiimaha silver-ka ah ee hooseeya, si qofku u xalaal miirto. Taas micnaheedu waa dad badan oo mushaar qaata inay sako galayaan.

Sidee loo sakaynayaa? Culimada qaarkood waxay leeyihiin 12 bilood wixii kasoo hara mushaarka ayaa la isku darayaa, wixii ka soo hara cunista iyo masruufkana waa la sakaynayaa.

Qaar kalena waxay leeyihiin wuxuu la mid yahay beertii la goosanayay. Alle wuxuu yiri: “وَآتُوا حَقَّهُ يَوْمَ حَصَادِهِ.”. Marka qofka mushaarka badan qaata maalinta uu mushaharka helo ha ka bixiyo qadarka sakada ku beegan.

Labadaas qowl ayaa jira, midka dambe ayaana masaakiinta u fiican. Kolley shaxaadku waa badan yahay ee iska bixi oo sako u niyee.

Tixraac:

Fatwa logo