Ku laabo bogga hore
Su'aasha
1 mar jumlo ma wada niyoon karaa mise habeen walba waa inaad niyootaa
Jawaabta
1 mar jumlo ma wada niyoon karaa mise habeen walba waa inaad niyootaa?
Soonku salaadda lamid ma aha. Salaadda 4ta rakcadood hal niyo ayaa ku filan, oo ma kala go’na.
Soonkuse maalin walba gaar ayay u taagantahay oo niyo ayay u baahan tahay.
Inay kala go’anyihiin iyo in kale waxaad ku ogaan haddii wax ku dhacaan ma isa saamaynayaan mise maya.
Haddii rakcadda 4aad ay salaadu kaa jabto, 3dii kale kuuma jiraan.
Balse haddii soonku maanta kaa jabo, soonkii shalay ma saamaynayo, oo maalin walba gaarkeeda ayay u taagantahay.
1 maalin ayaa salaadda la mid ah oo niyo gaar ah u baahan.
Tixraac:

