Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Maxaa soonka jabiya?

Jawaabta

Maxaa soonka jabiya?

Waxa soonka jabiya, marka la soo koobno, waa 3 qaybood:

  1. Cunto

  2. Shahwo gudasho

  3. Iska matag

Cuntadu waa 2: mid toos ah iyo mid dadban. Shawaduna waa isla sidaas o waa mid toos ah iyo mid dadban.

Cuntada inaad wax liqdid oo hoos u dago, soonka waa jabiyaa. Sida Alle sheegay, nuxurka cuntadu waa 2: jirka inay awood siiyaan, baahi ku haysanna kaa baabi’iyaan.

Ahlu naarka markii geedka la siinayay aakhiro, Alle wuxuu ku tilmaamay:
لا يُسْمِنُ وَلا يُغْنِي مِنْ جُوعٍ

Jirkooda tabar ma geliyo, gaajana wax kama taro.

Asalkuna afkaa laga qaataa cunno iyo cabitaan. Haddii cunnadii iyo cabitaankii meel aan afka ahayn laga qaato, jirkiina nafaqadii ay galiso, gaajadiina ay bi’iso, waa cunno dadban oo aan toos ahayn balse nuxurkii cuntada ayay qaadan oo ay la xukun noqdaan.

Dadka cuntada faleembooyinka lagu siiyo oo kale weeye. Haddii uu rabo inuu afuro way u banaantahay, balse hadduu yiraahdo faleembada nafaqada ahna inaan qaato waan rabaa inaan soomana waan raba, lama oggola, oo nuxurkii cuntada ayuu faleembada ka helayaa, sidaas darteed soon uma jiro qof faleembo nafaqo ah isticmaalay.

Gudashada shawadu waa 2:

  • Midda tooska ah ee xiriirka gogasha iyo galmada

  • Midda 2aad waa inuu asagu iskaga keeno shahwadii fal uu sameeyay

Hadaad iska fikirto oo wax kaa yimaadaan, soonka ma jabiso:
إنَّ اللهَ تَجاوزَ لي عن أُمَّتي ما وسوسَت به صُدورُها، ما لَم تَعمَلْ أو تَكَلَّمْ.

Waxaad nafta kula hadasho ee madaxaaga ku wareega laguma qabanayo ilaa ficil ama hadal.

Waxyaabahaan aan sheegnay, goormay qofka soonka ka jabinayaan?

3 arrimood marka la helo ayay kaa jabayaan:

  1. Inaad xasuusantahay inaad sooman tahay

  2. Inaad si ula kac ah u samayso

  3. Inaad ogtahay in ay soonka jabinayso

Haddii uusan ogayn, xukunka lama saarayo ilaa uu ogaado.

Saxaabi ayaa aayad si khaldan u fahmay oo maalin wax cunay, nabiguna (scw) kuma oran soonkii soo qallee, ogaansho la’aan ayaa u geysay.

Tixraac:

Fatwa logo