Alaab ama waxyaabo liita oo la nacay ma iska qaadan karaa?
Waxyaabo iska liita ayuu qofku helay, ama sida mararka qaarkood dhacda, kabo laga tagay oo la nacay oo dacas IWM ah ayuu qofkii doonay inuu cagaha sii galiyo oo mu'adinka ayaa mararka qaarkood ku oranaya kuwaan ayaa la iska tuuraye iska sii gasho. Waxaas oo kale (حقيرات-wax aan qiima badan lahayn) ayaa la dhahaa oo waxyaabo aan maal ahayn oo dadkii lahaa iska naceen waa la iska qaadan karaa.
Culimadu waxay u soo daliilsadaan; nabigu ﷺ xabbad timir ah oo meel taalla ayuu arkay marka wuxuu yiri waan qaadan lahaa waana cuni lahaa hadaanan ka baqanaynin , timitrii sakada inay ka mid tahay oo sakadu xaaran ayay ka ahayd nabiga scw.
Waxaas qiimaha yar haddii aan la nicin oo adigu u kas ama khiyaamo u qaadato bal ka warran?
Waa taas hore oo ana soo sheegnay wixii la nacay ee laga tagay uunbaad qaadan doontaa, laakiin wixii dadku u baahanyahiin ama aad isleedahay waxaagii lagaa qaatay ku magdhabo waa xaaraan.
Tixraac:

