Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Dumarka qaar ayaan u tolaa dhar cowradooda muujinaya ee arrinkaasu ma xalaal baa?
Jawaabta
Harqaan ayaan ka shaqeeyaa, dumarka qaar ayaan u tolaa dhar cowradooda muujinaya ee arrinkaasu ma xalaal baa?
Waxaa kuu fiican inaad iska daysid. Alle wuxuu yiri:
ولا تعاونوا على الإثم والعدوان
Ha isku kaalmaynina dambi iyo xadgudub.
Waxaa laga yaabaa gabadhu inay gurigeeda ugu xiranayso ninkeeda dhexdiisa, xaaladdaas way bannaan kartaa. Laakiin markaad ku qanacdo 80% inay bannaanka ula baxayaan iyagoo soo faytay, oo aad garanayso inay bannaanka la tagayaan, inaad iska daysaa ayaa kuu fiican.
Tixraac:
