Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Qof haddii uu wax ii darsado, gorgortanka lacagta iiga soo harta ma qaadan karaa?
Jawaabta
Haddii uu qof alaab ii dirsado, lacagtiina ii dhiibo, qofkii alaabta iga iibinayayna wax iga dhimo ama gorgortan kadib qiimaha hoos u dhigo, baaqiga ii soo haray ma qaadan karaa maadaama aan anigu shaqeystay?
Maya, qofkii lahaa ayaa iska leh. Nabiga ﷺ nin buu u diray inuu neef u soo iibiyo. Ninkii neefkii soo iibiyay ayuu haddana sii iibiyay oo faa’iido ka sameeyay, dabadeed suuqa ayuu ku noqday oo neefkii kale ku soo iibiyay faa’iidadii. Markuu Nabiga ﷺ u yimid, neefkii ayuu siiyay, lacagtiina wuu celiyay. Nabiguna ﷺ neefkii iyo lacagtiiba wuu ka qaatay, ninkiina wuu u duceeyay.
Fuquhadu waxay ka qaateen in qofka wixii kasoo baxa hantidiisa isaga uun leeyihiin. Haddii alaab laguu dhiibo ama amaano kuu taal oo aad ku shaqeyso, wixii kasoo baxa isagaa iska leh, haddii aadan markii hore shardi dhigan. Haddii aad tiraahdo: “Waxii kasoo hara anigaa qaadanaya,” asaguna kaa aqbalo, markaas adigaa iska leh.
Tixraac:
