Anigoo xaas leh haddii aan iraahdo xaas malihi xaaskaygii ma iga furmaysaa?
Ninku haddii uu xaas leeyahay, xaas labaadna uu damco, intuu haasaawaha ku jiro haddii la waydiiyo: “Xaas ma leedahay?” uu yiraahdo: “Maya,” dafiradaas uu dafiray xaaskiisu ma kaga furmaysaa?
Marka hore beentu run ma noqoto ee waa been uun. Qofka ku yiri “Xaas ma leedahay?” inaad been u sheegtaa waa xaaraan, waxaana waajib ah inaad run sheegto.
Soomaalida qaar marka ay dumar guursanayaan waxay isku dayaan sidii ay gabadha u soo xero gelin lahaayeen. Nin baa gabar uu guursanayay been badan u sheegay, markii gurigii uu keenayna waxay tiri: “War wixii aad sheegaysay mee? Waa adigaan caydh ah e.” Markaas ayuu yiri: “Beentii waa tii xagii taalley, runtuna waa tan halkan taal.”
Khiyaanada noocaas ah looma baahna. Runtu waa lama huraan. Haddiise ay sidaas u dhacdo oo uu yiraahdo “Maya,” eraygaas waxaa loo tixgelinayaa inaanu sariix ahayn ee uu kinaayo yahay. Mar haddii aanu furriin uga jeedin waxba kama furmayso. Haddii lagu yiri: “Gabadhii miyaad furtay?” ayay furriin noqon lahayd. Haddaanu furriin niyooninna kama furmayso.
Tixraac:
