Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Xaaska ninkeeda la waayay maxay yeelaysaa?

Jawaabta

Xaaska ninkeeda la waayay maxay yeelaysaa? Ma sugaysaa mise fasaq bay qaadanaysaa?

Marka haddii muddadii dheeraato, qaadiga ayay u tagaysaa. Qaadiga arrimaha qoyska qaabilsan ayay u geynaysaa caddaymo, cabashadeeda iyo xog sax ah.

Kadib qaadigu go’aan ayuu ka gaari doonaa muddada la sugayo, waqtiga laga fasiqi karo, meesha uu galay, nooca xaaladda ay ahayd iyo in la baafin karo iyo in kale.

Markuu ku qanco in qofkaasi dhintay, fasaq ayuu goyn doonaa. Xoolihiisiina waa la dhaxlayaa. Arrintuna mid sahlan ma aha ee waxay u baahan tahay go’aan maxkamadeed.

Tixraac:


Su'aalo la mid ah

Fatwa logo