Ku laabo bogga hore
Su'aasha
In waalidku guurka ku qasbo gabadha ma banaantahay?
Jawaabta
Gabadha in waalidku guurka ku qasbo oo “duco iyo habaar kala dooro” lagu yiraahdo ka warran?
Maya, laguma qasbi karo guurka, hadday gabar tahay iyo hadday garoob tahayba. Midna laguma khasbi karo guurka, oggolaanshuhuna waa lagama maarmaan.
Gabar baa u timid Nabiga ﷺ waxayna tiri: “Aabbahay nin buu ii guuriyay anigoon dooranayn.” Nabigu ﷺ ikhtiyaar buu siiyay gabadhii, wuxuuna yiri: “Haddaad doonto waad guursan, haddaad doontana waad diidi.”
Weli gabadha aabbaheed kaalintiisa wuu leeyahay, waana inuu markii ay inantu raalli noqoto sidaas ku meheriyo. Iyadana doorkeedu waa inay guurka iyo cidda loo guurinayo oggolaato.
Tixraac:
