Biyaha sandaarsigu Haddii ay igu tagaan Soonku ma iga jabayaa?
Biyaha sandaarsigu Haddii ay igu tagaan Soonku ma iga jabayaa?
Hadday dhacdo inaaad adigoo sandaarsanayay uu kugu tago sandaarsigu in Soonku jabayo culimadu way ku kala aragti duwanyihiin balse sida saxda ah hadduusan qofku u qasdin oo kama’ ugu tagaan biyuhuu soonku ka jabi maayo waa tii ummada laga cafiyay
رَبَّنَا لَا تُؤَاخِذْنَا إِن نَّسِينَا أَوْ أَخْطَأْنَا ۚ
Allow ha noo qabin haddii ismoodsiis iyo gef wax nooga dhaco ha noo qabanin, Alle wuxuu yiri waan idinka yeelay.
إن الله تـجاوز لي عن أمتي الـخطأ والنسيان وما استكرهوا عليه
Marka wixii aan ku talagal ahayn sida daqsi afka kaa galay oo dhuunta u gudbay oo kale ah oo aadan ku talagalin cibaadadaada wax yeeli maayo, laakiin waa inaad taxadartid oo sandaarsiga aadan ku xeeldherran.
Tixraac:


