Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Biyaha taranku hadday ku talagal la'aan iga yimaadaan soonku ma iga jabayaa?
Jawaabta
Haddii ay ishayda ku dhacdo wax dareenkayga kicinaya kadibna biyihii taranka uga yimadaan Soonkaygii miyuu jabayaa?
Qofka haddii biyaha taranku ay ka yimaadaan isagoon u kasin, ama hurdo ama hamad uusan isagu sababteeda lahayn ha kaga yimaadaan dhib maleh, laakiin haddii asagu sababta leeyahay oo uu u kasay ficilkaas isaga ah hadday eegmo tahay iyo hadday taabasho tahayba waa ka burayaa Soonku. Ilaahay uma qabsado soonka wixii awoodiisa ka baxsan laakiin wixii uu u kasay ayuu Alle u qabanayaa.
Tixraac:


