Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Boonbilada caruurtu ku ciyaaraan guryaha ma la dhigan karaa?
Jawaabta
Boombilada iyo kartoonada waxaan maqlay in guri ay yaallaan malaa'igtu aysan soo gelin. Kuwa carruurtu ku ciyaarto xukunkoodu muxuu noqonayaa?
Sawirrada gacanta lagu naqshadeeyo, kuwa dharka lagu tolo, iyo kuwa taallo ahaan jirka leh, kuwaas oo kale waa mamnuuc. Waxaase la baneeyay wixii carruurtu ku ciyaarayso. Rasuulka ﷺ ayaa ka reebay, xaaskiisii da’da yarayd ee Caa’isha, fardo baalal leh bay lahayd oo ay ku ciyaari jirtay, isaguna maaweeladeeda wuu u dayn jiray Nabigu ﷺ. Marka guud ahaan waa xaaraan, laakiin kuwa carruurtu ku ciyaarto waa laga reebay.
Tixraac:
