Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Dad safka saaladda kala fogaynayaa ma la tukan karaa?
Jawaabta
Dalka aan joogo waxaa caado u ah inay safka isku dhajin ee la kala fogaado ee ma la tukan karaa?
Waad la tukanaysaa, waayo waxa aad samaynaso waa faral, iyaguna waxay samaynayaan waa shay karaahiyo ah oo sunnihii ayay ka tageen; mar haddii jamicii la oogayo waad la tukanaysaa.
Markay dedejinayaan waad la tukanaysaa, markay safka kala fogeeyaana waa la tukanaysaa.
Waayo salaadda in jamac lagu tukado faral ayay ku ahayd ragga; faralkii sidiisa ayaa loo oogayaa, wixii khaladaad ah ee jirana sax, haddii aad sixi waydana ha ka tagin ee la tuko.
Tixraac:

