Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Qofku markuu salaadda ku jiro dhaqdhaqaaq intee le’eg ayaa loo oggol yahay?

Jawaabta

Qofku markuu salaadda ku jiro dhaqdhaqaaq intee le’eg ayaa loo oggol yahay?

Qofka marka uu tukanayo waxaa looga baahan yahay khuduuuc iyo khushuuc; mid xubnaha la xiriirta iyo mid qalbiga la xiriirta. Waa inuu yeesho qalbi daggan iyo xubno daggan.

Qalbigu waa inuu istaagaa oo Alle u soo jeestaa, qofkuna aanu noqon maqane jooge. Xubnuhuna waa inay dhaqdhaqaaqa yareeyaan. Alle wuxuu yiri: “وَقُومُوا لِلَّهِ قَانِتِينَ” — Ilaahay u istaaga idinkoo u khushuucaya, adeecaya, aamusan.

Xaaladaha qaarkood oo la saamixi karo way yaryihiin. Sida hadalka loo diiday ayaa dhaqdhaqaaqana loo diiday. Mararka qaar oo sharcigu oggol yahay way jirtaa, tusaale ahaan: haddii iimaamku meesha ka baxo qofku wuu dhaqaaqi karaa oo waa loo oggol yahay in iimaamka la beddelo.

Waxaa kaloo bannaan in qofka imaamka ku xiran inuu uu dib u yara dhaqaaqo haddii qof saddexaad yimaado si saf loo sameeyo. Haddii meel cuncunto oo uu yara xoqdana waa caadi.

Muhiimaddu waa inuusan dhaqdhaqaaqu noqon mid indhaha soo jiidanaya. Dadka qaar maanta cimaamadda ayay mar walba hagaajinayaan, qaarna taleefoonka ayay qabanayaan si ay qofkii soo wacay ugu sheegaan inay salaad ku jiraan.

Tixraac:

Fatwa logo