Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Dahabka ay dumarku Xidhaan sako ma ku waajibaysaa?

Jawaabta

Dahabka ay dumarku xidhanayaan ee ay ugu talagaleen xidhashada ,miyaa sako lagu leeyahay. culimada qaybo kamid ah waxay leeyihiin sako waa lagu leeyahay, axaadiith arrintaa ku soo aroortay oo ay ugu u xujaysanayaan way jirtaa, laakiin waxaa loo badanyahay oo culimadu u badanyihiin in aan sako lagu lahayn, dahabku hadduu yahay kii qofku ugu talagalay inuu xidho.

Laakiin kol haddii ay jirto culimo tiri sakaa lagu leeyahay , axaadiisna ay meesha taallo waxaa iska wanaagsan gabadhii ,dahabkii ay haysato uu sako goys gaaray, oo 85 garam oo saafi ah uu dhanyahay, ama 97 garaam ee nooca 21-ka ah uu yahay, haddii dahabkeedu intaa uu gaaray inay sakadiii iska bixiso ayaa u wanaagsan, oo saas ayaa u muran la' oo badbaadadeedu ku jirtaa.

Tixraac:


Fatwa logo