Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Dayn aan rejo ka qabin inay ii soo noqonayso sako ma ka bixinayaa?

Jawaabta

Dayn aan rejo ka qabin inay ii soo noqonayso sako ma ka bixinayaa?

Dayntu waa laba qaybood: dayn dhow iyo dayn fog. Daynta haddii ay dhowdahay oo qofkii kuu hayay aad ka soo qaadan karto, waxna uu hayo, waa dayn dhow. Sakada ku darso markaad xoolahaaga sakaynayso.

Laakiin daynta qofku haba oggolaadee aanu waxba haysan ama uu dafirsan yahay waa dayn fog. Dacwad ayay u baahan tahay ama qofkii muddo ayaa la sugayaa. Taas waxaad sakaynaysaa maalinta aad qofkii ka hesho oo sannadkaas ugu dambeeyay ayaad sakaynaysaa. Dayntii dheerayd marka Ilaahay kaaga soo celiyo oo gacantaada ay soo gasho, sannadka ugu dambeeya oo keliya ayaa la sakaynayaa.

Tixraac:

Fatwa logo