Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Dibadda ayaan ku noolahay, lacagta aan u soo dirayo walaashay oo danyar sadaqo waalidkay oo dhintay ma u niyoon karaa?
Jawaabta
Dibadda ayaan ku noolahay, lacagta aan u soo dirayo walaashay oo danyar sadaqo waalidkay oo dhintay ma u niyoon karaa?
Sadaqo aad ka bixinayso qaraabada oo aad ugu talagashay dadkii dhintay ee waalidkaa ahaa ma siin kartaa qaraabadaa; haa waad siin kartaa.
Hadday sadaqo tahay iyo hadday sako tahayba qaraabada waa la siin karaa. Sakadana waan soo sheegnay asalkaaga aad ka soo jeedi iyo kuwaad dhashay iyo oorida ayaan la siin karin ee intii kale waa la siin karaa.
Marka sadaqada aad waalidkaa u bixinaysid waad siin kartaa walaalahaa.
Tixraac: