Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Dukaan aan la shaqeeyo ayaan lacagtiisa qayb ka sii isticmaalaa, markaan mushaarka qaatana waan gudaa qaybtii aan isticmaalay, ma banaanyahay arrinkaasu?

Jawaabta

Dukaan aan la shaqeeyo ayaan lacagtiisa qayb ka sii isticmaalaa, markaan mushaarka qaatana waan gudaa qaybtii aan isticmaalay, ma banaanyahay arrinkaasu?

Qofku hadduu amaano dad u hayo, ma isticmaali karo ilaa uu fasax waydiisto qofkii uu u hayay.

Tusaale, lacag baad haysaa, qofkii aad u shaqaynaysay ayaad u haysaa ama dad baa amaano kuu dhiibtay oo ku yiri halkaas noo dhig, waxaad isticmaali kartaa haddaad fasax ka qaadato.

Haddaad fasax ka qaadato waad amaahatay ayay ka dhigantahay, sida baanku lacagtaan ay inoo hayaan ay innooga amaahanayaan.

Haddii aad qariso, waadna ku dambaabaysaa, wixii lacagtaa ka soo baxana qofkii iska lahaa markii hore ayaa iska leh.

Tixraac:

Fatwa logo