Dumar badan ayaan kala sheekaystaa baraha bulshada, mid walbana waxaan u sheegtaa jacayl, ujeedkayguna waa inaan mid dabeecad wanaagsan aan ka xusho, marka arrinkaasu ma banaanyahay?
Dumar badan ayaan kala sheekaystaa baraha bulshada, mid walbana waxaan u sheegtaa jacayl, ujeedkayguna waa inaan mid dabeecad wanaagsan aan ka xusho, marka arrinkaasu ma banaanyahay?
In dumar badan lala sheekaysto, beenna loo sheego, 2duba waa xaaraan. Gabar aanu guursanayn sheeko bilaa macni ah inuu la sheekaysto waa xaaraan.
Gabadha ajanabiga ah inaad eegto, iyo inaad la sheekaysato, iyo inaad taabato, iyo inaad la gooni noqoto, intaba Islaamku waa diiday, waxayna soo galaan intaanu oo dhan:
وَلَا تَقْرَبُوا الزِّنَا
Zinada ha u dhawaanina.
Imisaa 2 facebook ka sheekaysatay is uureeyay, markii dib loo waraystay ee la yiri halkee lagaa helay, ay tiri: “mid baa facebook iga helay”, halkaasuu ka soo raacay. Wax sahlan ma aha wax ay diintu diidantahay.
Haddii uu qofku guursanayo, ha arko hana kala hadlo guur. Haddii ay ku heshiiyaanna waa fiicantahay, haddii kalana ha kala tagaan.
Qalbigaa ku madoobaanaya haddaad indhaha iyo dhagaha xaaraanta ka wado, mar dambana il baa laga yaabaa inay kugu dhacdo: “xabad aad soo qamaamisay ayaan kugu quusi doonta”. Mid aad been u sheegtay ayaa kaa qaylin doonta. Arrin ciyaar ah ma aha ee ha laga fogaado.
Tixraac:
