Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Dumarku meel rag joogaan ma ku tukan kartaa?
Jawaabta
waxaan nahay dumar Jaamacad dhigta waxaan ku tukanaa meel macmacaan ah oo rag joogaan marka salaaddeennu ma saxbaa?
Way ku tukan kartaa, haddii uu qof ajanabi ah joogana waa inaanu cowradaada arag; haddii ay cowradaadu muuqato in ajanabigu arkaan waa ka xaaraan, salaadduna way kaa buraysaa haddii cowradaadu qayb ka mid ah ay muuqato, marka haddii aad halkaas ku tukanaysaan , cowradaaduna qarsoontahay, wax dhib ah salaadiinna kuma keenayso eegidaa qofka ajanabiga ah uu idin eegayo.
Waana dhacdaa dumar badan oo tukanaya inaysan cowrada wada qarin, oo cagihii iska banaanyihiin. ama markay gacmaha kor u qaaddo ay banaanaanayaan , marka cowrada ha la asturo.
Tixraac:

