Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Fidyada inaan 1 qof siiyo maalin walba iyo inaan masaakiin badan siiyo kee fadli badan ?
Jawaabta
Fidyada inaan 1 qof siiyo maalin walba iyo inaan masaakiin badan siiyo kee fadli badan ?
Inaad fiyadii ruuxa soomi kari waayay ka waajibasay inaad masaakiin badan siiyo ayaa habbon sida Anas samayn jiray balse maalin walba 1 maskiin haddii aad siisid way kaa gudaysa haddii uu weli maskiin yahay oo uusan ka bixin maskiinnimadii. dadka soomaan in la afuriyo iyo ruuxii soomi waayay inaan raashin ka bixinno ayaan isku khaladnaa, tan dambe maskiin ayaa iska leh raashinkaan, balse tan afurinta ajarkeeda dadkoo dhan ayaa laga helaa oo cid walba waad ku bixin kartaa oo sooman, balse fidyadu maskiin uunbay ku baxdaa.
Tixraac:


