Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Taraawiixdu 8 rakco ma ku ansaxaysaa?
Jawaabta
Waxaan maqlay Taraawiixda dadka 8 rakco tukanaya kama ansaxayso Taraawiixdu waa in 20 la tukadaa, ka warran?
Hadalkaasu sax ma ahan. Taraawiixdu tiro go'an malahan, koox waliba intay rabtay tukan kartaa, xiligii saxaabada dhowr iyo labaatan waa la tukan jiray, 11-na waa la tukan jiray. Culimada qaarna waxay yiraahdeen marna akhriskaa la dheerayn jiray, oo rakcadahaa la badin jiray marna akhriskaa la gaabin jiray oo rakcadahaa la dheerayn jiray. Qof walba intuu awoodo, haddii aad ka baqo waagu inuu kuu baryo watarka dejdeji. Labaatanka Rakco way ansaxaysaa sidoo kalana sideedda rakco way ansaxayaan iyaguna. Labadaba qof walba ajarkeedu intuu tukaday ayuu leeyahay.
Tixraac:


