Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Fidyadu lacag ahaan ma u siin karaa qofka?
Jawaabta
Fidyadu lacag ahaan ma u siin karaa qofka?
Qof ayaan fidyo ka bixinayay, lacag ayaan siiyay uu ku afuro, lacagtiina kuma afurin ee maryo ayuu ku iibsaday ee ma iga guday fidyadiii?
Fidyadu waa ruuxii soonka kari waayay(da' ,xanuun aan rejo lahayn iwm dartood) raashin laga bixiyo. Culimada badankoodna waxay qabaan inay raashin noqoto oo lacag kuma baxdo, markad haddaad macalinka lacag siisay oo aad tiri ku afur asna uu dhar ku iibsaday fidyadii ma bixin ee ama lacagtii ka soo cesho ama u saamax oo ku sadaqayso laakiin fidyadii waa inay raashin ku baxdo, sida nusuusta laga qaadanayo.
Tixraac:


