Gaalku hadduu cunto hadiyad cunto ii keeno ma cuni karaa?
Waxaan jaar nahay reer gaalo ah inta badan waxay ii keenaan cunto waana ka shakiyaa oo eeyo ayay haystaan ma aqbali karaa? Haddii aan daaadiyana dambi ma iiga imaanayaa?
Gaalada waa la cuni kara cunadooda haddii aysan ahayn wixii gowrac u baahan, khaasatanna cunada dhulka ka soo baxda iyo tan badda laga soo saaro ee aan gowraca u baahnayn waa la cuni karaa waxaa muhim ah inaadan ka shaki ee haddii aad arkasay doofaarka iyo cunnadii inuu isku meel ku kariyo, waad iska dhafaysaa markaas. Haddaad ku kalsoontahay inuu ku dhex darayn baqti iyo cunto doofaar waad iska cuni kartaa.
Laakiin wixii la gowracayo qofkaad ka qaadanaysaa ahlu kitaab oo si sharci ah wax u gowracaya waa inuu yahay, haddii aad ka shakidana xayawaanka sii, nabigu ﷺ wuxuu yiri:
دعْ ما يَريبُكَ إلى ما لا يُريبُكَ
Iskaga tag wixii aad ka shakisantahay oo wixii aadan ka shakisanayn isticmaal.
Tixraac:

