Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Gabadha/ninka diinta lagu dooranayo marka la guursanayo ma inay diinta taqaana kaliyaa mise waa si kale?

Jawaabta

Gabadha/ninka diinta lagu dooranayo marka la guursanayo ma inay diinta taqaana kaliyaa mise waa si kale?

Diin marka la yiraahdo; diin waa wixii lagu dhaqmo, waa dhaqan;
وَرَضِيتُ لَكُمُ الْإِسْلَامَ دِينًا

Islaamka waxaan idinkaga raali noqday inuu dhaqan idiin noqdo.

Haddii uu caalim yahay balse caasi yahay waxba lama siinayo, balse haddii uu yahay qof aqoon badan aan lahayn balse diinta ku dhaqmaya waa la siinayaa.

Diinta dheefteedu waa dhaqanka, haddii kale xujay ku noqotaa qofka. Dadkuna culimo ma wada noqon karaan, waxa culimo noqota waa in yar.

Tixraac:

Su'aalo la mid ah

Fatwa logo