Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Gabar caado qabta ma la furi karaa?

Jawaabta

Gabar ayaan kala tagnay 5 bilood ka hor ayaa dhawaan ila soo xiriirtay oo ii sheegtay inay lahayd waqtigaas dhiiggii caadada  oo gabadhu waqtigaas aysan furmayn, marka waxay i leedahay imika i fur ama xaaskaagii aan ahaado, ee maxaan yeelaa?

Gabadhu markay caado leedahay waa xaaran in la furo laakiin haddii qofku xaarantaas ku dhaco oo furo way dhacaysaa dalqadaasu, Cabdullahi Ibnu Cumar ayaa xaaskiisii oo caado leh furay, nabi  ﷺ wuxuu ku  yiri: Amar sii oo soo cesho oo hadhowto markay daahir noqoto ha sii haysto ama ha furo. "Soo cesho" waxa laga fahmayaa way furantay. Qofku gef ha ku dhaco balse way furantay.

Tixraac: 

Su'aalo la mid ah

Fatwa logo