Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Goobaha dumarka lagu qurxiyo (koofeerada) ma ka shaqayn karaa?

Jawaabta

Meelaha dumarka lagu qurxiyo, ma banaantahay in laga shaqeeyo?

Shaqadaasu sideeda waa xalaal in dumarku, dumarka qurxin karaan waa xalaal. Tasi . alle wuxuu yiri:

 أَوَمَن يُنَشَّأُ فِي الْحِلْيَةِ وَهُوَ فِي الْخِصَامِ غَيْرُ مُبِينٍ

Dumarkii lagu barbarinayay quruxda, in qurux lagu barbaariyo ayuu Alle ku sheegay oo korintooda ay qayb ka tahay waxaase xaaraantinimayn kara meesha laga shaqaynayo iyo waxa laga shaqaynayo; Waa inaan la isticmaalin waxa la isku caddeeyo ama kiimiko ama nijaas ama raggii waa inaanu meesha ka shaqaynayn ama iyagoo qaawan waa inaanu shaarica laga arkayn waxyaabahaas ayaa xaaraantinimayn kara balse aadaabtii islaamka marka la marayo oo hab fiican loo qurxiyo wax xalaal ahna lagu qurxiyo waa xalaal.


Fatwa logo