Ku laabo bogga hore
Su'aasha

HADAAN NIYOODO SOONKA ISKA JABI MIYUU IGA JABAYAA?

Jawaabta

Horta soonku kaama jabayo ,xataa hadaad go'aansatid inaad iska jabiso culimadu waxay rajaxayaan inuusan kaa jabayn ilaa aad wax cunto ama wax jabinayo samayso.

Haddii waxaanu iska yahay waswaas kugu soo dhacayna ajarkaagii waxba u dhimi maayo Insha Allah. Balse haddii ay go'aan noqoto waa laga yaabaa soonkaaga ajarkii aad ka heli lahayd ay dhibaato ku imaato oo adigoon cudurdaar lahayn hadii aad go'aansato inaad jabiso waa xumaan aad go'aansatay oo ajarkii wax yeeli karta.

Tixraac:

(daqiiqada 16:16) 

Fatwa logo