Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Hooyada marna uurka lahayd marna jaqsiinaysay ee soomamka badan dhaafeen fidyo miyaa laga rabaa mise qalle kaliya?

Jawaabta

Waxaan soomin dhowr sano, mar uur ayaan lahaa marna waan jaqsiinayay, miyaan qallaynayaa mise fidyaan bixinayaa sanadahaas?

Ruuxa dumarka ah ee uurka leh ama jaqsiinaysa, hadday nafteeda u baqdo iyo hadday ilmaha u baqdaba horta way iska cuni kartaa, cidi iskuma khilaafsana. Madhabka xoogga badan ee culimadu u badanyihiin waxaa weeye inay soo qallaynayso. Ileen qofku sidaan ahaan maayo fursad bay helaysaa, sanadka dhexdiisa, marka ilmuhu ka koro. Qallahuna inay isku xiriiriso daruuri ma'ahan ee way kala kaxayn kartaa. Dhibku waa dumarkoo ilaabaya soonkii qallaha ahaa markaasuu ku biirayaa.
marka qowlka raashin inay bixiso sheegaya waa daciif midka xoogga badan waxaa weeye inay soo qallayso, Balse haddii qallihii bilo badan gaaro(6, 5 bil) hadduu qallhii gaaro dhib buu ku noqonayaa waa la iska qaadan karaa qowlka ah raashin inay bixiso.

Tixraac:

Fatwa logo