Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Hooyadu ilmaha ma iska soo ridi kartaa hadday khatar gasho?
Jawaabta
Hooyadu haddii ay khatar ugu jirto ilmaha ay sido ma laga soo ridi karaa, haddii tusaale la ogaado ilmahaasi inuusan noolaanaynin oo xubnaha muhiimka ah ee jirkiisa qaybo ka mid ah maqanyihiin?
Ilmahii oo loo soo rido duruufo adag oo jirta daraadeed way banaantahay, marka dhibkaa faraha badan ee su’aashu sheegtay ee ilmuhu uusan noolayn, hooyaduna khatar galayso haddii ay jirto.
Laakiin arrinkaa miisaamiddiisu waxay u baahantahay caalimkii diinta yaqaanay iyo dhaqtarkii aamina ahaa ee muslimka ahaa inay iska kaashadaan.
Markaas aqoontii iyo amaanadii wada socota ee la qiimeeyo xaaladaha qaarna la soo ridi karaa, kuwa qaarna lama soo ridi karo.
Marka inuu noolaanayo iyo inuu dhimayo 2duba ay suurtagal yihiin, marka aan la hubin in hooyadu khatar galayso marka ilmuhu nool yahay; xaaladahaan lama soo ridayo.
Waa qof bini’aadam ah oo la dilayo arrinkaanu, marka in lagu degdego ma aha.
Tixraac:
