Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Sidee ayaan xaaskayga dhaqankeeda ku sixi karaa?

Jawaabta

Sidee ayaan lamaanahayga dhaqankiisa u sixi karaa?

Waxaad ku sixi kartaa inaad adigu tusaale noqoto, oo dhaqankaaga wanaajiso. Ooridu marka ay cusub tahay waxay ninkeeda ka dayataa waxa ay ku aragto. Haddii uu yahay nin akhlaaq fiican, af macaan, diinta ku dhaqmaya, cibaadaysanaya, way raacaysaa oo rabitaankiisa ayay qaadanaysaa. Haddii uu taas ka soo horjeedo sameeyana iyaduna way ka sii dari kartaa.

Marka qofku mar walba haddii uu doonayo inuu qof saxo waa inuu isagu tusaale wanaagsan noqdaa.

Waxaad kale oo dhaqankeeda ku beddeli kartaa waano. Sida Qur’aanku ina barayo, waxa ugu fiican waa in qalbiga qofka la qabto oo la qanciyo. Sidaas ayaa lagu jihaynayaa. Wixii xaq iyo sax ah ayaad ku qancinaysaa oo ku waaninaysaa.

Xaaska markaad af garan waydaan, waano ayuu Alle ku bilaabay.

Tixraac:


Su'aalo la mid ah

Fatwa logo