Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Isbitaal ayaa ka shaqeeyaa, dadka aan dhiigooda baarayo haddii dhiigii dharka iiga daato ma ku tukan karaa?

Jawaabta

Waxaa ka shaqeeyaa dhakhtar shaybaar, dhiigga aan baarayo ayaa dharka iiga daata mararka qaarkood, marka ma ku tukan karaa dharkaas?

Dhiigu waa nijaas, nabigu scw gabadhii dhabar furanku ku dhacay dhiigga iska maydh ayuu ku yiri.

Dhiiggaa dareeraya ee qulqulaya qaybaha nijaasta ayuu ku jiraa, sidaas darteed haddii marada ama jirkaa dhiig ku yaallo ama meeshaad ku tukanaysid, waa inaad iska maydhaa.

Haddii aad maydhi waydidna salaaddu ma ansaxayso.

Waxaa la rabaa oo waajib ah in qofku dhiigiina uu baaro uuna iska basriyo oo iska ilaaliyo, kumana tukan kartid.

Tixraac:

Fatwa logo