Ku laabo bogga hore (Daqiiqada 18:00)
Su'aasha
Isticmaalka daawada cadayga maalinta Ramadaan soonka wax ma yeelaysaa?
Jawaabta
Daawada cadayga ee dhiiqada ah waa lagu cadayan karaa hadii aad ka suulinayso ama aad ka nadiifinayso dhadhankii dawadaasi lahayd afka, hadii aadan ka naadiifin karinna iska daa oo waqtiga maalinkii cadayga kale ee caadiga ah isticmaal. Wax kasta oo qofku dhadhaminayana waa inuu ka dhameeyaa afkiisa ,oo isagoo shaygii dhadhaminaya aanu liqin.


