Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Kaligay ayaa arkay bishii, dadkiina way iga diideen ee ma kaligay ayaa sooma mise dadkaygaan la afuraa?

Jawaabta

Kaligay ayaa arkay bishii, dadkiina way iga diideen ee ma kaligay ayaa sooma mise dadkaygaan la afuraa?

Mas'aladaan 3 rayi bay culimadu ka qabaan.
qaar waxay leeyihiin dadka ha la soomo, hana la afuro, aragtidiisa isaga ku gooniga ah wax ka soo qaad maleh.
Sidaas waxaa weeyaan mad-habka Xanaabiladu qabaan waxaana rajaxaya Sheekhul Islaam Ibnu Taymiya. waxayna daliilsanayaan xadiiskaan;
: 'الصوم يوم تصومون والفطر يوم تفطرون والأضحى يوم تضحون'.
Soonkiinu waa maalinkaad soomaysan, afurkiinuna waa maalinkaad afuraysaan, xukun gooni ah isagu malahane dadka ha raaco.
Qolyana waxay kala qaadayaan Soonka iyo afurka aragtida bisha Shawaal ee lagu afuro, Soonka waxay leeyihiin dadka ha raaco, Soonkaas ha ku soomo aragtidiisa, afurka se yuusan kaligii afurin ee dadka ha la afuro waana siday u badanyihiin culimadu. mas’alada afurka waxa loo adkeeyay waxaa la diidayaa inuu ku fududaado , marka soonkana aragtiisa ha ku soomo, afurka se dadka hala afuro.

Mad-habka 3aad oo Imaam shaafici qabo waa 2daba soonka iyo afurida aragtiisa khaaska ah ha ku soomo hana ku afuro laakiin ha qarsado sidaas ayaad mooddaa inay u dhowdahay saxda. Haddii Ramadaan arko oo laga qaadan waayo ha soomo laakiin ha qarsado Soonkiisa, haddii uu shawaal aragtidna ha afuro hana qarsado waana sida aan is leeyahay way ugu saxsantahay oo daliilka way u dhowdahay.

Tixraac: 


Fatwa logo