Laadhuuga Ramadaanta la ciyaaro soonka wax ma yeelaya?
Soonkaaga iyo noloshaadaba waxbay yeelaysaa. Laandhuuga culimadu Waxay leeyihiin waa xaaran , ciyaar walba oo baqtiyaa nasiib ah oo aan micno lahayn waaa xaaraan. Marka wixii dambi ah soonkaaga dhib ayuu u gaysanayaa oo ajarkii ayay yaraynaysaa.
Sidoo kale dhallinyar baad tahay waqtigii aad mustaqbalkaaga dhisi lahayd baad joogtaa si gaar ah ayuu Ilaahay kuu waydiin doonaa ;maxaad ku soo qaadatay dhallinyaradaadii? ma waxaad oran laandhuu baan ciyaariyay? Jawaabta Ilaahay agtiisa aad adigu ku qanacdo miyay noqon doontaa jawaabtaasu ,wallahi inaynan noqonayn ,maxaa kuu diiday inaad masjidka iska imaato Quraan akhriso, casharro dhagaysato ,Khayrku wuu fara badanyahay ee qayb ka qaado.
Dadka qaarna waqtigaan is dhaafinaynaa, waqtigaa nagu batay ayay odhanayaan, waqtiguna ma badan ee shaqadaadii ayaad garan la'adahay
{وما خلقت الجن والإنس إلا ليعبدون}
Dadkii wanaagsanaa qaarkood hadii la yiraahdo berraad dhimanaysaa oo dadaal uu is yiraahdo wax uu soo kordhiyo iyo meel u banaanba muu heli karin sababtoo waa qof markii horeba waqtigiisa oo dhan cibaado ka buuxday. haddaad maanta dhimato Ilaahay agtiisa maxaad la tagin? Marka dhalinyaradu aad ha u baraarugaan oo moogganaanta ha ka baxaan.
Tixraac:
(daqiiqada 9:20)

