Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Lacag aan ujeeddo kale u bixiyay, markaan bixiyay kadib sako ma u niyoon karaa?
Jawaabta
Lacag aan ujeeddo kale u bixiyay, markaan bixiyay kadib sako ma u niyoon karaa?
Haddii aad sadaqo bixisay adigoon markaas sakada u niyoonin, marka dambe sakadii uma niyoon kartid. Waayo niyaddu way horraysaa ee ma aha wax gadaal laga daba tuuro.
Haddii aad tiraahdo: “Wax alla wixii sadaqo aan bixiyay sakadii ha laga dhigo,” arrintaasi socon mayso. Alle ha kaa aqbalo sadaqadii hore, waa sunne, laakiin sakadu waxay u baahan tahay niyo gaar ah. Waxay la mid tahay salaadda oo kale.
إِنَّمَا الْأَعْمَالُ بِالنِّيَّاتِ
Camalka ansaxnimadiisu niyadda ayay ku xiran tahay, ayuu yiri Nabigu ﷺ.
Tixraac:
