Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Meel saacado kooban laga soomo ma aadi karaa si aan ugu soomo?
Jawaabta
Saacado badan ayaa yurub laga soomaa, haddii aan ka soo xeeladaysto oo bisha soon aan afrika imaado, soonkayga ma dhib ku imaanaya?
Dhib malahan haddii meel saacaduhu dheeryahay ka tago oo aad meel saacado kooban aad aado ama meel aad u kulul inta ka tagto aad meel qabow ku Soonto, Soonku wuu ansaxayaa. Muhiimaddu waa inaad cibaadadii aad gudatid cibaadadaas inaad rafaad saa'id ah u gasho waxba laazim ma'ahan , xeeldaysina ma'ahan oo cibaadadii waad gudanaysaa laakiin dhibkeedii iyo mashaqadeedii ayaad iska yaraynaysaa, wallow dadka sacaadaha dheer iyo meelaha kulul ku soomaya ay ka ajar badanyihiin kuwa kale.
Tixraac:


