Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Meel xoolaha lagu qalo, bisinkana aan loo qaban ma ka shaqayn karaa?

Jawaabta

 Meel digaaga lagu qalo oo aan bisinka loo qaban ma ka shaqayn karaa?

Gowraca sharciga ah shuruuduu leeyahay, shuruudahaas qaarkood qofka wax gowracaya ayaa loo shardiyaa qaarna neefka, qaarna shayga ayaa loo xirayaa. 

Qofka wax gowracayaa waa inuu yahay muslim, miyir qaba oo wax kala garanaya, ilmo yar ama qof waalan ama gaal gowraciisu ma ansaxayo. Shuruudaha waxa kmaid ah in bisinka loo qabto, marka la biraynayana in 2da hunguri la jaro, culimada qayb ka mid ah waxay ku darayaan 2da xidid ee dhiigga sida. Mindidu wa inay tahy mid af leh halka laga gowracayana waaa cunaha ama dhuunta. neefka baxsada ee la qaban waayo hub waa lagu isticmaali karaa. Gowraca aad sheegtayna gowrac noqon maayo , neefka in la toogto ama dawo la siiyo oo asagoo maqan la gowroco wa khalad , culimada idinla joogtana kala tashta oo meesha gowraca saxda lagu sameeyo aada. 

Tixraac:

 

Fatwa logo