Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Meherkayga noociisii ma baddalan karaa?
Jawaabta
Ninkayga waxaan kula heshiiyay in meherkaygu noqdo inuu xajka i geeyo, asna waqti dheer oo aan sugi karin ayuu ii qabtay ee ma beddeli karaa meherka?
Haa, waad beddeli kartaa. Qofka dumarka ah meherka iyadaa leh. Haddii uu geel ahaa lacag bay ka dhigi kartaa iyo wax la mid ah. Waa dayn qof kugu leeyahay; haddii dayn lagugu leeyahay waa la beddeli karaa, waana lagaa dhaafi karaa ama badh ayaa lagaa dayn karaa. Marka haa, lacag waad u beddeli kartaa.
Tixraac:
