Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Neef aan hayay oo qofkii lahaa dhintay ayaan iibiyay ee maxaa ila gudboon?

Jawaabta

Adhi adeer oo xoolahayga ku jiray ayaa la kaxeeyay, neef kamid ah Adhigaas ayaa xeradii ku haray, neefkii ayaan iibinay, adeerana wuu dhintay maxaa nala gudboon oo aan samaynaa?

Horta khalad baad samayseen, neefka inaad iibisaan xaq umaydaan lahayn, iib baadil ah ayaad ku kacdeen. Haddii marka uu adeero uu dhintay,Qiimahaad ku iibiseen,micno maleh ee qiimihii saxda ahaa ee neefkaas oo kale uu joogay waqtigaas, ayaad la idinku leeyahay, waxaad siinaysaan cidddii adeero dhaxalkiisa lahayd, oo u sheegaysaan in qiimaha neefka ariga ah la idinku leeyahay, haddii ay idinka saamaxayaan waa halkeeda, haddii aysan idinka saamixinna qiimihii baad bixinaysaan, sidii dhaxalka loo qaybsanayay ayay u qaybsanayaan.

Tixraac: 


Fatwa logo