Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Ninkaygu wuu shaqeeyaa, nama biilo ee ma fasaqan karaa?
Jawaabta
Ninkayga oo shaqaysta oo dibadda jira oo aan na biilin marka waydiiyana i leh "wax ma haysto" maxaa ka yeellaa?
Ninku haddii uu ku biilin waayo dalqadda way codsan kartaa gabadhu laakiin waa in iyadu tahay mid diyaar ah oo aan khilaf wadin oo ogol ninka iyo reerka hadii uu biilan waayo markaas maxkamada way ka dacwayn kartaa oo fasaqaad way codsan kartaa mar haddii ay iyadu fitnada wadin ee dhibku ninka ka yimid. Ninka waxaa waajib ku ah wixii uu awoodo inuu reerkiisa siiyo, hadii uu siin waayana waa sababaha ay ku mutaysan karto gabadhu inay fasaqaad dalbato.
Tixraac:
