Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Qaadkii aan iska daayay dayntii la iiga lahaa ma bixinayaa mise waa xaaraan aan ka tagayo?
Jawaabta
Qaadkii aan iska daayay dayntii la iiga lahaa ma bixinayaa mise waa xaaraan aan ka tagayo?
Daynta qaadka aad markii hore liqliqday waad iska bixinaysaa, haddaad bixin waydana waa lagu dili oo waa lagu daqri. Qaadku waa xaaraan haddaad iska daysayna Alle ha kaa aqbalo, wax fiican baad samaysay , laakiin fitnada ka imaanaysa iyo dhibaatada daraadeed dadku waxay kugu lahaayeen iska sii, kadibna talo raaci oo u sheeg; Anigu waan iska daayay ee adna iska daa.
Tixraac: