Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Qof aan dayn ku leeyahay, aniguna aan wax u hayo,waxaas aan u hayo ma qaadan karaa haddii uu i siin waayo daynta?
Jawaabta
Qof aan dayn ku leeyahay oo aan ka soo saari waayay, aniguna wax ayaan u hayaa, waxaas aan u hayo ma ka isticmaali karaa oo ma qaadan karaa?
Haddii qof aad wax ku leedahay waxna aad u haysid, aadna ka soo saari waydo wixii aad ku lahayd, waxaad kala hari kartaa waxaagii haddii aysan balaayo ka weyn ka dhalanayn.
Haddii uu baas kugu mariyo, maxaad samayn kartaa? Mar walba waxa lagama maarmaan ah inaad eegto dhibka iyo dheefta ku jirta tallaabada aad qaadayso.
Qofku inuu go’aanno iska qaato oo keliya caqli fiican ma aha. Dayntaadii waad ka goosan kartaa, balse waa inaynaan dhib ka weyn iyo dhib kale ka dhalan.
Tixraac:
