Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Qof ayaa dhar iiga tagay sanad ka hor iimana imaan, ma isticmaali karaa?
Jawaabta
Meherad ayaan haystaa, qof ayaa dhar ii dhiibtay muddo sannad ah ayaana u hayaa iimana soo noqon. Ma isticmaali karaa?
Qofka aad amaano u haysay ee aad waysay waa inaad raadisaa. Soomaali reero ayay isku garataaye, reerkoodii daba gal oo ku raadi.
Haddii aad ka quusato, baadi ayaa loo tixgelinayaa. Markaas inaad isticmaasho way bannaan tahay, sidoo kalena inaad u sadaqaysana waa bannaan tahay.
Tixraac:
