Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Qof dukaan yar leh, sako ma lagu leeyahay?

Jawaabta

Dukaan aan biyo ku iibiyo ayaan leeyahay ee sako miyaa la igu leeyahay?

Haddii dukaankaagaas alaabaha yaalla ay gaarsiisanyihiin wax goyn kara 85 garam oo dahabka saafiga ah ama 97 garam oo dahabka an 21-ka ah ee hadda inta badan wadanka laga helo, haddii dukaankaaga waxa yaalla intaa ay gaarayaan, oo intaa ay la qiimo yihiin, marka aad isku darto:

1. Waxaad alaabo hayso 
2. Waxa aad kaash hayso iyo waxa dayn kaaga maqan,
3. Iyo wixii lacag kale ee bangi kugu jirta ama si kale aad  u haysatid.

Markii aad isku darto haddii ay intaa gaaraan, sako waa lagagu leeyahay.

Marka, hadda ma sheegi karno lacag go'an, waayo? dahabkii qiimihiisii wuu is badbadalayaa, marka la soco uun oo dukaankaaga sanad markuu u dhamaado, soo qiimee dukaangii, dahabkii soo qiimee, 97 garam intay noqonayaan, dukaangaagii wixii yaallayna xisaabi, cash wixii aad haysatayna ku dar iyo haddii ay xitaa kuu jireen dhul aad iibsatay oo inaad sii iibisid aad doonaysay,  waxaaas oo dhan isku dar haddii marka 97 garam ee nooca dhexe ee 21-ka ah ay la qiima noqoto, wixii aad haysatay, sako waa lagugu leeyahay.

 Sakada lagugu leeyahayna waxay noqonaysa 2.5%, 100kii dollarba 2.5$ ayaad wixii ay kuu noqotay ka bixinaysaa, haddii ay intaas ka yaraato qiimuhu wax sako laguguma lahan sanadkaas. 

Fatwa logo