Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Qof ganacsi xaaraan ah ka shaqeeya ma la aqbalayaa cibaadadiisa?

Jawaabta

Qofka ka shaqeeya ganacsi xaaraan ah (cosmatic qaarkiis ama qaad iyo sigaar iwm) camalkiisa ma la aqbalayaa?

Haddii uu qofku xaaraanta cuno, cibaadadiisu waa mid kala dhiman, ma oran karno way burinaysa balse waa naaqis; oo ajarkeedi ayaa yaraanaya.

Nabigu scw wuu ina su’aalay qofka dharka, dhunigiisu iyo wixii lagu soo koriyayba xaaran yahay sidee kaas ducadiisa loo aqbalayaa? Su’aal baa ina waydiiyay; Allaa og inuu aqbalayo iyo in kale laakiin waxay culimadu isla waafaqsan yihiin haddii qofku macsiyo ku jiro uuna cibaadaysanayo, cibaadadiisu waa mid kala dhiman.

Tixraac:

Fatwa logo